Rooble Oo Soo Saaray Awaamiir La Xiriirta Maaliyada

Somalia news

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Mr.Rooble ayaa amar adag ka soo saaray kharashaadka Dowladda, wuxuuna faray Wasiirka Maaliyada inuusan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga heysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha…

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Mr.Rooble ayaa waxaa la faray Wasaarada Maaliyadda in mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha, raashinka Ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka hore Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale Wasiirka Maaliyada Mr.Cabdiraxman Beyle ayaa maanta Kormeer ku tagay Qeybta Canshuuraha ee Dekada Magaalada Mogadishu, wuxuuna ku amray Agaasimaha Xafiiskaasi inuu ku wareejiyo Canshuurta soo xarootay Maanta & Shalay, iyadoo la sheegay inuu Agaasimaha ka cuddurdaartay bixinta Dhaqaalahaasi, wuxuuna sheegay in Saraakiisha Xafiisyada Mr.Rooble Fasax looga baahan yahay.

140420cookie-checkRooble Oo Soo Saaray Awaamiir La Xiriirta Maaliyada