Wasiirka Amniga Oo NISA Ka Dalbaday Warbixin Dhameystiran

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal uu Wasiirka amniga Dowladda Federaalka, Mr.Cabdullaahi Maxamed Nuur uu soo saaray uu kaga dalbaday Hogaanka NISA iney Warbixin ka keento xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi ugu jiro Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo..

Wasiirka ayaa faray ku simaha Hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xaalada Roobow, isagoo u qabtay muddo 48 saac, wuxuuna intaasi raaciyay in Ehelada Muwaadinka ay cabasho ka soo gaartay ayna dalbanayaan iney Cadaalad helaan.

Wadaadka Abuu Mansuur ayaa xiran Farmaajo, Fahad iyo Lafta gareen tan 2019-kii, kadib markii ay magaalada Baydhabo kasoo qabteen ciidamada Ethiopian ah oo ku howlgalaayay Magaca Amisom, kadibna loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho.

158740cookie-checkWasiirka Amniga Oo NISA Ka Dalbaday Warbixin Dhameystiran