Ergo Kala Duwan Oo Farmaajo Dirsaday Oo Fashilmay

Somalia news

48-saac ee u dambeysay Waxaa Xafiiska Wasiirka 1-aad iska soo xaadiriyay tiro Eego ah Oo Isku magacaabay iney u istaageen Xalinta Khilaafka xargo goostay ee u dhaxeeya Rooble & Farmaajo, iyadoo dhamaan dhaqdhaqaaqyadaan ay ku soo dhamaadeen Fashil…

Ergada 1-aad, Tiro Wasiiro ah Oo uu Hogaaminaayo Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed, Wasiirada Waxbarashada ( C/Carab), Arrimaha Dibeda ( Cabdisaciid) Caafimaafka iyo kuwo kale ayaa Waan waan ugu tagay Xafiiskiisa Mr.Rooble iyagoo sheegay iney doonayaan ine Khilaafka dhameeyaan.

Rooble ayaa Eegadaan weeydiiyay Su’aal aheyd Mowqifka ay ka qaateen shaqo joojintii uu ku saameeyay Farmaajo!!? Iyo Sida ay dhexdhexaad uga noqdeen falalkii lagula kacay Hogaanka Xukuumada ay ka tirsan yihiin iyo Sida uga gaabiyeen iney ka hadli waayeen, wuxuu ugu baaqay iney faraha kala baxaan xiisadaan, isagoo u sheegay iney soo dhamaatay.

Dhanka kale koox uu Horgale u yahay Qorqor ayaa isku dayay iney Hogaamiyayaasha Mucaaradka u kala dab qaado si munaafiqnimo ah si loo khaldo hoosna loogu dhigo xiisada, wuxuu martiqaad u fidiyay Hogaamiyayaasha Mucaaradka, waxaana ka aqbalay Shariifka iyo Xasan Cali Kheyre, iyadoo inta badan Hogaamiyayaasha Mucaaradka si cad u sheegeen ineysan ka qeyb geli doonin Martiqaadka Qorqor, rafashadaan ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay ee Saaxada Siyaasada uga bixi lahaayeen Farmaajo iyo Kooxdiisa

158790cookie-checkErgo Kala Duwan Oo Farmaajo Dirsaday Oo Fashilmay