Ma Dhabaa in Madaxweynaha & Kuxigeenkii (Hirshabelle) ay Leexsadeen Qandaraas Dhaqaale lagu Siinaayay Macallimiin..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Guddi kormeer ah oo maalmo ka hor Wasaraadda Waxbarasshada u dirtay magaalada Jowhar si ay u soo qiimeeyeen mashruuc USA ah oo 100-Macalin mushaar ku siiso in ay Iskuulada Jowhar wax ka dhigaan ayaa la musuqmaasuqay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news uu soo ogaaday in kal bar ka badan lagu qoray Boosaskii Macalinimo, Askar, Shaqaalaha Nadaafada Madaxtooyada Hirshabelle, dhaliinyaro Xamar jamacado ka dhigto iyo Shaqaalaha ka tirsan Madaxtooyo, xitaa Dhalinyaradii reer Jowhar ee waxbartay aan shaqo abuur loogu sameyn oo shaqo la’aan waddooyinka la taagan.

Iyadoo la ogyahay in Maamulka Hirshabelle ay kala qeybsadeen Madaxweynaha (Cali Guudlaawe) uu qaato dhaqaalaha iyo Canshuuraha lagu qaado Degaanada Gobolka Shabeelada dhexe halka Madaxweyne kuxigeenka Isbaarooyinka Gobolka Hiiraan gaar ahaan B/Weyne iyo Buulo burde la siiyo.

Waana ayaaan darada ugu weyn ee reer Hirshabeele heysato in Shaqsiyaad Mas’uul ja ah degaanadaasi muddana maamulaayay ay lunsadaan Mashaariicdiii iyo cabshuurihii laga qaado Dadka iyo Gaadiidka isla markaasna magaalooyinkii looga soo cararayo shaqo la’aan.

266750cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha & Kuxigeenkii (Hirshabelle) ay Leexsadeen Qandaraas Dhaqaale lagu Siinaayay Macallimiin..