Wasiirkii Amniga Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya in Mr.Farmaajo uu soo saaray Amaro aan qoraal aheyn kuna Aadan in Wasiirka Amniga ee Dowlada Federaalka laga joojiyay si KMG Shaqadii Wasiirada, kadib markii Xilka laga Qaaday Ra’iisul wasaarihii hore Mr.Xasan Cali Kheyre….

Ilo-wareedkaan ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Mr.Farmaajo uu dhaqan ahaan ku sifeysan yahay Dadka ka aarsado kuwa godobta ka gala, ayaa xiligaan u soo jeestay sidii uu gacanyarayaashii iyo Asxaabtii Siyaasada uu uga takhalusi lahaa, waxaana ugu horeeya Wararka Amniga Mr.Maxamed Abuukar Islow.

Mr.Farmaajo ayaa ku amray Mr,Mahdi Guuleed in shaqo joojin lagu sameeyo Mr.Islow, iyadoo sidoo kale shaqada laga joojiyay Shirkadii Qandaraaska ku qabtay dhigida Shubka iyo Caro-kaa wada ee jidadka Magaalada Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Shirkadaan ay Dowlada Federaalka ku leedahay 9-millions US$ ah, kadib markii ay xireen jidadka Magaalada Muqdisho, Shirkadda ayaa Waxaa wada leh Mr.Kheyre iyo Islow, iyagoo Sidoo kale qanadaraas siiyay Ganacsato iska leh Gaadiidka Xamuulka.

51630cookie-checkWasiirkii Amniga Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay