Howlihii Shaqo Ee Garoomada Oo Dib Loo Furaayo

Somalia news

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia ayaa ku dhawaaqday in maalinta Isniinta ee 03-August-2020 dib loo furayo howlihii shaqo ee Xafiiskaasi u qaban jiray Dadka Safarada uga baxaaya ama soo gelaaya dalka, iyadoo horey loogu xiray xayiraadaha cudurka covid19….

Waraaq kasoo baxday Hey’addaan ayaa lagu xusay, iyadoo la fulinayo go’aankii golaha Wasiirada Somalia kasoo baxay khamiistii 30-Luulyo-2020 in dib loo furi dooni dhamaan bar-xuduudedyada rasmiga ee socdaalka dalka.

Dhanka kale Hey’adda Socdaalka ayaa xustay in dadka socotada ah ee soo galaya dalka looga baahnaan doono inuu heysto shahaadada caddeynaysa in uusan qabin caabuqa Covid19.

51580cookie-checkHowlihii Shaqo Ee Garoomada Oo Dib Loo Furaayo