Mr.Guterre Ayaa Wakiil u soo Magacaabay Somalia

Somalia news

Mr.António Guterre Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska iney noqoto Ergeyga gaarka ah ee Somalia iyo Madaxa xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Danjiradaan ayaa xilka kala wareegesya James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka..

Danjiradaan ayaa Madaxda ka noqoneysa howlaha Qaramada Midoobe ee Somalia ayaa heysata in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xaga diblomaasiyadda, horumarka, iyo xiriirka caalamiga ah, Laing waxa ay soo qabatay jagooyin badan oo siyaasadda dawladda UK heer qaran iyo heer caalami. Waxay dhawaan soo noqotay Safiirka Ingiriiska ee Nigeria iyo Safiirka Ingiriiska u fadhiya Zimbabwe.

Xilkeeda cusub, Laing waxay u fududeyn doontaa wadahadalada siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta, iney ka caawiso dowladda Somalia dhismaha Hay’adaha dowliga ah, horumarinta xuquuqul insaanka iyo ku dhaqanka sharciga, isku dubaridka dadaallada gargaarka bini’aadinimo, iyo taageeridda Nabadda iyo Amniga qaranka.

254400cookie-checkMr.Guterre Ayaa Wakiil u soo Magacaabay Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com