Qarax Lagu Dilay Gudoomiye Kuxigeen

Somalia news

Wararka naga soo gaaray Degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose ayaa waxey sheegayaan in fiidnimadan caawa halkaas lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca Maaliyada ee degmadaas kadib qarax ka dhacay hoygiisa…..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Marxuumka la Dilay lagu magacaabi jiray Maxamed C/llaahi Koosto, kaasoo u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray bam-gacmeed lagu tuuray hoygiisa oo ku yaalla degmada Wanle-weyn.

Qaraxan ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu ku dhaawacmay Mas’uulka geeriyooday aabihiis iyo haweeney ay qaraabo yihiin oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa guriga, kuwaasoo loola cararay goobaha Caafimaadka.

Ciidamada amaanka maamulka degmada Wanle-weyn ayaa gaaray dhismaha bamka lagu weeraray halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyey qaraxaas oo la aaminsan yahay iney a dambeysay kooxda Al-shabaab oo weeraradan oo kale ku caan baxday.

51660cookie-checkQarax Lagu Dilay Gudoomiye Kuxigeen