Wasiiro Loo Diray Magaalada Qaahira Oo Loo Deyriyay

Somalia news

Ilo Diblomaasiyadeed ayaa uga xog-warramay Warsidaha Diinah.com news, ergo Wasiiro ah oo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu u dirsaday Xarunta Jaamacada Carabta iyo Dowladaha Egypt iyo Sacuudiga si yabooh dhaqaale u weydiiyaan isla markaasna lagu taageero Dowladda Federaalka Somalia…

Ergadaan Wasiirada ah oo Kala horeeyay, ayaa la sheegay inuu Hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibeda Mr.Maxamed Cabdirisaaq oo ay wehliso Afadiisa oo u dhalatay Dalka Egypt, iyadoo laga daba diray Wasiiru Dowlaha Xasan Macalin Khaliif oo qaraabo la ah Adeege Fahad Yasin.

Ergadaan ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibeda Egypt, iyadoo laga codsaday Wasiirka inuu Taageero dhaqaale oo dhan 50-million u weydiiyo Dowladaha Xubnaha ka ah Jaamacada Carabta si loogu maareeyo Arrimaha Doorashooyinka Iyo Gunooyinka Ciidamada Dowladda Federaalka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wada hadalka ay ka mid ahaayeen in Dowladda Federaalka ay siiso Dhul laga dhiso Safaarada Egypt ee Magaalada Mogadishu isla markaasna Bangi Masaari leedahay Dalka laga furo, iyadoo labadaan Codsi muddo 3-sano ah uu hortaagaan Mr.Farmaajo oo cadaadis kala kulmay Maamulka Addis Ababa.

Dowladda Egypt ayaa la sheegay in Wafdi ay soo direyso Somalia uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibeda, kaasoo lagu waday inuu dhowaan soo gaaro Magaalada Mogadishu ay gebi ahaan la joojiyay kadib markii Ethiopia iyo Eritrea ay aad uga caroodeen safarka Wasiirka Arrimaha Dibeda Egypt.

109500cookie-checkWasiiro Loo Diray Magaalada Qaahira Oo Loo Deyriyay