Duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee Shirkadaha Diyaaradaha Oo Hakiyay & Saameynta Amni

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa tiro dhowr Duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee maanta tagi lahaa garoonka Aden Adde ee Muqdisho ayaa la hakiyay Maanta, iyadoo Maamulka Garoonka uusan wali faahfaahin bixin, hase yeeshee Mas’uuliyiinta Shirkadaha qaarkood ayaa sheegay in cabsi laga qabo weeraro Argagixiso awgeed ay u hakiyeen Duulimaamkooda, kadib digniintii USA ka timi iyo weerarkii xeyndaabka Madaxtooyada..

Xogta ayaa tilmaamtay in Diyaaradaha Turkiga, UAE & Qatar ayaa hakiyay maanta duulimaadyadooda, iyadoo wali aysan kala cadeyn shirkada Ethiopia oo jadwalkeeda wali dhegan yahay, Qatar Airways ayaa tagtay Jabuuti oo ay halkaas uga gudbi jirtay Muqdisho, laakiin hadda sida ka muuqata macluumaadka dhagsan wey joojisay usii gudubaan Magaalada Mogadishu.

Cabsidaan ayaa ku soo aadeysa Xili Maanta & Berito uu aad badan yahay Dhaqadhaqaqyada Suuqyada Magaalada Mogadishu, Xili Ciidul Fidriga oo berito ku beegan, waana ayaan darro in la cabsi geliyo Shacbiga, iyadoo sidoo kale Duqeyn Drones ku qaaday degaanka Baraag Gurgurte ee Gobolka Mudug kuna dileen 50-Maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Shababka.

320170cookie-checkDuulimaadyadii Caalamiga ahaa ee Shirkadaha Diyaaradaha Oo Hakiyay & Saameynta Amni
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *