Xogtii Ugu Dambeysay Ee Liiska Golaha Wasiirada cusub & Shaqsiyaadka La Hadal hayo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in la soo dhameystiray Liiska Xubnaha ka mid noqonaaya Golaha Wasiirada ee Dowlada Federaalka, iyadoo lagu wado in lagu dhawaaqo Saacadaha soo socda, hadii aan isbedel deg deg ah ku imaanin..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Ra’iisul Wasaare kuxigeenka loo magacaabi doono Xasan Cabdi Cawad oo horey u ahaa Wakiilka Shirkadda Dahabshiil ee Konfurta Somalia, kaasoo dhawaan ka tagay shaqadii uu u hayay Shirkadda, liiska Golaha Wasiirada ayaa loo badinayaa iney ku baxaan Magacyada hoos ku xusan:-

Warar aan la xaqiijin karin ayaa ku tilmaamay Faafinta liiskaan ay muujineyso mid lagu marin habaabinaayo Rayiga Shacbiga Soomaaliyeed si looga tusaale qaato diidmadooda iyo oggolaashoodaba, waxeyna u badan iney tahay mid been abuur ah, inkastoo Liiskaan inta badan lagu wado iney ka soo dhex muuqdaan liiska Golaha Wasiirada cusub.

Hal-ku-dhega “Soomaali Heshiis ah dunidana la heshiis ah”, waxaa lagu fasiray iney aheyd rati kacsi siyaasadeed oo doorashada loogu tala galay, maxaa yeelay waxaa durbadiiba soo shaac baxay Khilaafka u dhaxeeya Somalia & Ethiopia, Waxaana la qanciyay UAE, Masar & Kenya, inkastoo doorashadii 15-kii May ay muujineysay Diidmada Shacbiga Soomaaliyeed Nidaamkii Tuuganimada iyo habka Maafiyada ku dhisnaa kan cusubna kama duwana.

202460cookie-checkXogtii Ugu Dambeysay Ee Liiska Golaha Wasiirada cusub & Shaqsiyaadka La Hadal hayo

2 thoughts on “Xogtii Ugu Dambeysay Ee Liiska Golaha Wasiirada cusub & Shaqsiyaadka La Hadal hayo

  1. Kabiirow Isha ayaa ka daray “ Koox Dan u heysa Shacbiga Soomaaliyeed ma jirto, maxaa yeelay Dhamaantood dulmi ayeey ku dhisan yihiin Magaca. Diintana waa lagu awr-kacsanaa, Koley Faarax Sakiin ayaa yimid Fahadna Waa shiraacday

  2. Kabiirow Isha ayaa ka daray “ Koox Dan u heysa Shacbiga Soomaaliyeed ma jirto, maxaa yeelay Dhamaantood dulmi ayeey ku dhisan yihiin Magaca. Diintana waa lagu awr-kacsanaa, Koley Faarax Sakiin ayaa yimid Fahadna Waa shiraacday

Comments are closed.