Deg-deg:- Kheyre Oo Kulamo La yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Diinah.com u xaqiijiyay in Ra’iisul wasaarihii hore Mr.Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulamo kula yeeshay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, Kadib markii ay xiriir la soo sameeyeen Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha caalamka…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Kolonyada Mr.Kheyre oo ay ka mid ahaa 12-Gadiidka Dagaalka iyo Ilaalo aad u heysan ayaa la sheegay iney garoonka ka soo galeen wadada Madina Gate, waxaana safarka Kolonyada hakad geliyay Ilaalo Boliis iyo NISA isugu jira iyo kuwa AMISOM, iyadoo markii dambe la sheegay in la xaliyay oo uu gudaha u galay Xarunta Xalane..

Mr.Kheyre iyo Kolonyadii la socota ayaa la sheegay iney dib ugu soo laabteen xarunta cusub ee uu dhowaan soo degay, kuna dhow Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

56970cookie-checkDeg-deg:- Kheyre Oo Kulamo La yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka