Weerarada Shababka Oo Horjoogsaday Dekada Cusub Ee Lamu

Africa News

Dowladda Kenya ayaa caqabad xoogan xiligaan kala kulmaysa isticmaalka dekedda cusub ee Lamu oo dhawaan la dhisay, iyadoo khataraha amni ee soo koraya ay halis galinayaan habsami u socodka dhismaha Dekedaan oo la daalaa dhacaysa sidii ay u soo jiidan lahayd ganacsiga kadib markii uu dhamaaday wajigiisii hore…

Degmo xeebeedka Lamu ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay weeraro dhimasho iyo dhaawacyo geystay oo la rumeysan yahay iney ka dambeeyaan kooxda Argagixisada Shababka, taasoo horseeday in Maamulka Uhuruu uu ku soo rogo degaanka Lamu bandow 30-maalmood ah.

Weeraradan ayaa waxaa ku dhintay 13-qof oo ay ku jiraan 4-askari oo booliis ah kuwaasoo ku dhintay qarax lala beegsaday gaari ay la socdeen. Amaan darradaan baahsan ayaa mugdi madow gelinaya Dekadda Lamu, inkastoo dowladda ay xaqiijisay in amni darrada aysan saameyn ku yeelan doonin sii shaqeynta dekeda.

“Dowladdu waxay dejisay dhammaan Qorshayaal lagu sugayo Amaanka Lamu, Hawlgalka ballaaran ee amniga ee socda waa inuusan ka nixin maalgashadayaasha ama uusan saameyn ku yeelan ganacsiga dekedda cusub ee Lamu, “ayuu yiri Karanja Kibicho, Xoghayaha Guud ee Arrimaha Gudaha.

162410cookie-checkWeerarada Shababka Oo Horjoogsaday Dekada Cusub Ee Lamu