Maamulka Hir-Shabelle Oo Gadiidleyda Amaro Duldhigay

Somalia news

Dhaqanka xun ee laga dhaxlay Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa ah in Madaxda Maamulada Soomaalida ay qarash badan ku bixiyaan sidii soo dhaweeyn loogu sameyn lahaa markii safar dheer ama gaaban galaan, iyadoo dadka soo dhaweynta oo u badan dumar lagu qasbo halka qaarkoodna dhaqaale yar lagu bixiyo (2-3US$) iyadoo laga soo wadayo xeryaha Barakacayaasha…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Cali Guudlaawe ay Wadayaasha Gaadiidka ee magaalada Jowhar ay ku qasbeen in ay gudaha magaalada ka qaadaan dad loo diyaariyay in ay Garoonka ku soo dhaweeyaan Madaxweynaha Hir-shabelle oo maanta ku wajahan Jowhar.

Cali Guudlaawe Oo muddo ku sugnaa Magaalada Mogadishu, ayaa kulamo la yeeshay Danjirayaasha Ethiopia, Turkiga iyo Qatar, Kulamadaan ayaa soo shaac baxay xili shacabka ku nool Hiiraan ay soo sheegayaan hoos u dhac ku yimid biyaha webiga Shabeelle, nawaaxiga Beledweyne, iyagoo tuhmaya in Ethiopia ay xiratay.

162380cookie-checkMaamulka Hir-Shabelle Oo Gadiidleyda Amaro Duldhigay