MA Dhabaa In La Wado Dadaalo Dib Loogu Soo Nooleynaayo Xiriirkii Khaliijka

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa dadaalo ay wadaan kooxo kala gedisan oo galaangal ku leh Somalia, ayaa wada Olole ay ku doonaayaan in dib loo soo nooleeyo xiriirkii Somalia kala dhaxeeyo Dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga, kadib markii lagu hungoobay Xiriirkii Qatar la yeelato Somalia..

Warar ayaa sheegaya in dadaalada dib u soo celinta xiriirkii Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa loo xil saaray Ganacsato iyo Siyaasiyiin kuwaasoo aad u saluugay Xiriirkii ay la yeesheen maamulka Farmaajo, Maamulka Dooxa, waxeyna soo jeediyeen in dib loo soo nooleeyo Xiriirkii Khaliijka.

Horey ayaa waxaa u jiray in xiriirka Somalia iyo Sacuudiga iyo UAE uu aad u xumaaday tan iyo markii dowladda Madaxweyne Farmaajo uu la wareegay talada dalka, waxaana albaabada loo laabay dhamaan mashaariicdii ay dalalkaasi ka wadeen Somalia, iyadoo Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay heshiiskii dekedda Berbera.

Kooxaha ku xiran Maamulka Dooxa, uu horboodaayo Adeege Fahad Yasin Agaasimaha NISA ayaa ka horyimid dadaalada dib loogu soo nooleynaayo Xiriirkii u dhaxeeyay Somalia iyo dalakaasi, waxeyna doonayaan in aan waxba laga bedelin Xiriirka ay somalia la leedahay dalka Qatar.

62010cookie-checkMA Dhabaa In La Wado Dadaalo Dib Loogu Soo Nooleynaayo Xiriirkii Khaliijka