Ciidanka ugu Faca weyn ee Kuwa Dowladda Federaalka Oo 80-Sano Jirsaday Weli ka Muuqato Diif Hogaan/Maamul xumo..

Somalia news

20-kii Bishan December aheyd maalintii Boliiska Soomaaliyeed oo 80-jirsaday, waxeyna weli Ciidankaasi halgan adag ugu jiraan sidii u heli lahaayeen Hogaan shaqo yaqaan ah iyo xirfadlayaal dabooli kara baahida baariseed iyo hanashada Amaanka Guud ahaan Dalka gaar ahaan Caasimada magaalada Mogadishu…

Dal kasta Waxaa muraayad u ah Adkeynta iyo xoojinta Amaanka, iyadoo Ciidamada Boliisku uu u xil saaran yahay howshaasi, inkastoo lagu aamano Ciidamada Boliiska aysan ku milmin Siyaasada iyo kooxo Diimeedyada siyaasada dhawaan galka ah, hadana Waxaa shaki ku jirin in Magacaabista Taliyaha Boliiska lagu saleeyo Daacadnimadiisa Shaqsiga xiligaan Hogaanka u haya Villa Somalia, iyadoo uu keensaday Axmed Madoobe.

khabiir dhanka Amaanka ayaa xaqiijiyay in xiligaan Ciidamada Boliiska aysan door muhiim ah ku laheyn howlaha Amni ee Caasimada ama guud ahaan howlaha Dagaalka lagula jiro Kooxda argagixisada Shababka ee Somalia ka socda, waxaana la xaqiijiyay in Hey’ada NISA ay Madaxtooyada u gacan gelisay dhamaan Howlihii Baarista iyo kuwii Saldhigyada Boliiska ku darsoo Qeybihii Birmadka iyo Daraawiishta ayaa gebi ahaan fadhiid ay ka dhogtay Villa Somalia.

Khabiirka ayaa dul istaagay caqabadaha heysta Ciidamada Boliiska kuwaasoo kala ah:-

-Hogaan xumo:Maamulka Xasan Gurgurte ayaa Taliye Boliis u magacaabay Shaqsi gacan ku dhiigle ah oo Baadiye ka soo galay sanadkii 2013-kii, waana ayaan darro iyo ihaano si bareer ah loogu bahdilaayo Ciidamada Boliiska iyadoo Magacaabista Taliyaha Boliiska lagu bixiyo dano siyaasadeed ama qancinta Horgalo Gobolada Maamula.

-Boliiska Mudnaan iyo maqaam ka hooseysa Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa NISA ayaa la siiyay, Ciidamadaan ayaa muddo dheer ka cabanaayay Gunno yari iyo in Hogaanka Dalka aysan ku baraarugsaneyn ahmiyada loo dhisay Ciidamada Boliiska ee xoojinta Amaanka gudaha ee Dalka.

-Xiriiro xumo kala dhaxeysa Ciidamada Boliiska Shacbiga, iyadoo la wada ogyahay in Xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya uu yahay mid aad u hooseeya, waxeyna sabab u ah dilalka joogtada noqday ee Ciidamadaan kula kacaan Shacbiga, dhaca iyo isticmaalka Mukhaadaraadka ayaa keenay in laga aamin baxo, waxaan talaabadani horseeday in Shacbiga aysan ku wargelin gelin Boliiska kooxaha falalka amni darrada fuliya.

-Tababarada: Talo xumida ugu weyn ee Hogaanka Dalka qaatay ayaa aheyd in dhowr Dal oo kala luqad ah tababaro loogu diro Saraakiisha, Kuxiigeenada iyo Dableyda Boliiska, iyadoo ay halkaasi ka baxday dhaqan la fal geli kara Shacbiga ay u adeegayaan, waxaana soo baxaaya baaqyo loo jeedinaayo Hogaanka Dalka inuu dib u eego Ciladaha xiligaan Boliiska go’doonka geliyay iyo magacooda hoos u dhigay una magacaabo Sarkaal aqoon u leh xirfada sugida Amaanka.

295030cookie-checkCiidanka ugu Faca weyn ee Kuwa Dowladda Federaalka Oo 80-Sano Jirsaday Weli ka Muuqato Diif Hogaan/Maamul xumo..