Garabyada Mucaaradka Puntland Oo ka Horyimid Guddi Loo Magacaabay Khilaafka Doorashada..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Dallad ay ku midaysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Puntland ayaa ka horyimid guddi qaabilsan wada-hadalka arrimaha khilaafka doorashooyinka oo uu magacaabay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee S.Deni…

Qoraal ay soo saareen Dallada Mucaaradka ayaa lagu caddeeyay iney diyaar u yihiin wada-hadal dhab ah oo ku saabsan hirgelinta doorasho hufan oo nabdoon kuna dhacda wakhtigeeda 8 Jan 2024, Mucaaradka ayaa ku tilmaamay guddiga uu magacaabay madaxweyne Deni mid lagu xagal-daacinayo dadaallada ay hormuudka u yihiin Odayaasha Dhaqanka SSC-khaatumo si uu u sameeyo mudda kororsi sharci-darro ah.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Mr.Deni uusan diyaar u aheyn kana tanaasulin qorshihiisa muddo kororsiga, iyadoo Muddo xikeedkiisu ka harsan yihiin wax ka yar 40-Maalmood, Dallada waxey sheegeen iney Taageerayaan Gudoonkii ay Isimadu gaareen 1-dii-11-23, iyagoo sheegay iney soo dhaweynayaan dariuq kasta oo Xal si Nabad ah lagu gaaraayo qabsoomida Doorashada Madaxtinimada iyo Xildhibaanada Puntland.

290010cookie-checkGarabyada Mucaaradka Puntland Oo ka Horyimid Guddi Loo Magacaabay Khilaafka Doorashada..