Xaaladii Ugu Dambeyaay Ee Xiisada Colaadeed Ee Guricel

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guricel Ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada, halkaasoo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna, halka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwa Galmudug ay ku soo siqaayaan Magaalada..

Dadka degaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka dhaco halkaasi, waxaana taasi ay keentay in qoysas badan ay isaga barakacaan gudaha magaaladaasi, Sidoo kale waxaa inta badan xiran goobaha ganacsiga ee Guriceel, waxayna ganacsatada dhankooda walaac ka muujinayaan xaaladaha cakirnaanta ah ee ka taagan halkaasi.

Xoogaga Kooxda Suufiyada ee AhluSunna ayaa lagu soo warramayaa inay difaacyo horleh ka sameysteen duleedka magaalada, iyaga oo haatan bilaabay abaabul ciidan oo culus, Dhanka kale ciidamada Galmudug oo kaashanaya iyo kuwa dowladda ayaa ku sugan inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qorsheynayo inay weeraraan Ahlu Sunna.

Qoor-Qoor oo taageero Ciidamo iyo saanad ka helayo Villa Somalia ayaa la sheegay inuu rabo dagaal inuu kula wareego Guriceel, islamarkaana diyaar u ahayn in miiska wadahadalka la isagu yimaado.

146170cookie-checkXaaladii Ugu Dambeyaay Ee Xiisada Colaadeed Ee Guricel