Gacan ka Hadal & Buuq Hareeyay Guddigii Talo bixinta Wax ka Bedelka Arrimaha Doorashada..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Gacan ka hadal, Buuq iyo Muran ayaa hareeyay fadhigii Baarlamaanka Puntland ee maanta, kadib dood iyi xiiso ka dhex qaraxday Guddiga loo xil saaray kasoo talo bixinta Xeerka Doorashooyinka Qof iyo Cod ee Puntland…

Wararka ayaa sheegaya in Guddiga ayaa ku qeybsamay sidii loo qaban lahaa Doorashada Puntland ee khilaafku ka taagan yahay, waxayna fadhigii Baarlamaanka ee maanta kasoo jeediyeen in dib loo dhigo Xeerka Doorashada iyo in marka hore xal laga gaaro khilaafka siyaasadda ee ka taagan Puntalnd.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf ayaa sheegay inaan Guddiga loo dirin arrimo siyaasadeed, wuxuuna ku dhawaaqay inuu kala diray Guddigii ka shaqaynta Xeerka Doorashooyinka Qof iyo Cod, Go’aanka Guddoomiyaha ayaa fadhiga ka dhalisay Buuq iyo jaha wareer, taasoo keentay in fadhigii degdeg loo soo xiro, laguna kala dareero kulanka.

Waxaa la sheegay in Xildhibaannada qaarkood isu gacan-qaadeen, Guddigu isku khilaafay waxaa ka mida: In Doorashada Golaha wakiilada dib loo dhigo sanad, balse la soo hormariyo Doorashda Madaxtooyada iyo in isku mar la wada qabto, halka qaar kale soo jeediyeen in Doorashada la joojiyo.

289270cookie-checkGacan ka Hadal & Buuq Hareeyay Guddigii Talo bixinta Wax ka Bedelka Arrimaha Doorashada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com