Diyaarad (Drone) ayaa lagu Arkay Hawada Magaalada Mogadishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo shalay galab dul hehaabeysa magaalada Mogadishu, Diyaaradaan ayaa ku socotay joog hoose, iyadoo u muuqatay mid ku jirtay tijaabo….

Diyaaradaan oo loo yaqaano Bayrakhtaar oo Jawi hoose ku duuleysa ayaa gabal dhicii Maanta lagu arkay qeyba kamid ah magaalada Muqdisho, Horaantii Sanadkaan ayaa Xildhibaan Cabdiraxman Cabdi shakur wuxuu sheegay in Diyaaradahaan ay Dalka yaallaan isagoona ka digay in Maamulkii Madaxweynihii hore Farmaajo loo gacan galiyo Diyaaradahaan.

Lama oga diyaaradahaan cida sida gaarka ah u isticmaaleysay, iyadoo cabsi laga qabo in dano gaar ah dad wata ay adeegsadaan, Xildhibaan hore Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa shirkad ganacsi uu leeyahay waxay dalka keentay oo garoonka diyaaradaha muqdisho looga qabtay diyaarado drone ah uu kasoo iibsaday iyadoo NISA ay gacanta ku dhigtay.

199020cookie-checkDiyaarad (Drone) ayaa lagu Arkay Hawada Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com