Xafiiska QM oo Beeniyay inay soo Saareen Digniin Amni oo Ku wajahan Shaqaalaheeda Mogadishu..

Uncategorized

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia (UNSOM) kaasoo iska fogeeyay warbixin Digniino amni xambaarsan oo la sheegay in Xafiiska Qaramada Midoobay ay soo saareen oo lagu faafiyay Baraha Bulshada..

War qoraal oo kooban oo kaasoo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu caddeeyay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah, waxayna shacabka ugu baaqday in aan la rumaysan, Qoraalka been abuurka ah ayaa lagu sheegay, in Xafiiska Qaramada Midoobay uu soo saaray digniin amni oo deg deg ah oo ku wajahan dhammaan  shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo uga digay khatarta qaraxyo 5-Gaari loo adeegsanayo.

Sida lagu sheegay digniinta, shan ka mid ah qaraxyada ayaa la aqoonsaday, kuwaas oo bartilmaameedsanaya dhowr goobood oo caan ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, oo ay ka mid yihiib, Elite Hotel, Km4, SYL Hotel, Dorbin Hotel, Dabka, Jazeera Hotel, Lido Beach, Makkah Al-Makaramah iyo  Isgoysyada NISA.

Dhawaan ayay ahayd markii digniin ay bixiyeen UN-ka ay sababtay in maalmo kaddib la weeraro hotel Beach View ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 40 qof oo shacab u badnaa, Warar ayaa la xaqiijiyay iney faafinayaan Taageerayaasha Farmaajo & Fahad si loo khalkhal geliyo Amaanka Magaalada.

340280cookie-checkXafiiska QM oo Beeniyay inay soo Saareen Digniin Amni oo Ku wajahan Shaqaalaheeda Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com