Dagaal Xoogan Oo Mar kale Ka Dhacay Degaanka Aato Ee Gobolka Bakool

Uncategorized

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ka dhacay degaanka Aato ee Gobolka Bakool, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu Boliiska ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Kooxda argagixisada Shabaabka…

Dagaalkaan ka dhacay degaankaasi ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan Shababka ay weerar hoobiyaal ku bilaawday ku qaadeen degaanka, dabadeedna uu bilaawday dagaal fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, walow aanan wali la ogeyn khasaraha ka dhashay dagaalka.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegeen inuu dagaalka saakay saameyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii Dadka Rayidka, Ganacsiga iyo isku socodka Gadiidka, islamarkaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degaankaasi.

204230cookie-checkDagaal Xoogan Oo Mar kale Ka Dhacay Degaanka Aato Ee Gobolka Bakool