Xafiiska Xeer-Ilaalinta Oo Barwo u Diray Guddiga Batroolka

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa laga helaayaa Qoraal uu Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ugu yeeray 4-xubnood oo ka tirsan guddiga Batroolka Soomaaliyeed, xili uu socdo baaritaanka la xiriira heshiiska uu Wasiirka Batroolka la galay Soma Oil and Gas…

Wararka ayaa sheegay in Xubnaha Barwada loo diray oo kala ah Caasha Cismaan Axmed, oo Guddoomiye ku xigeyn ka ah, Hay’adda Bartoolka Soomaaliya, Cabdiqaadir Aadan Maxamuud, Ibraahim Cabdiqaadir Maxamed iyo Cabdixafiid Cali Dirir, waxaana lagu wargaliyay in ay 06/03/2022, hor tagaan Xaafiiska Xeer ilaaliyaha, si su’aalo looga weydiiyo Iibka la sheegay.

Fadexada Iibka Xirmooyin ka mid ah ayaa ku soo beegantay, xilli uu dhawaan Wasiirka Batroolka, Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed, 15-kii bishii hore Coastline Petroleum, u saxiixay heshiis shidaal oo wax soo saar wadaag 7-xirmood ah, kaasoo Rooble iyo Farmaajo, wax kama jiraan ku tilmaameen.

Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa xubnahaan magacawday bartamihii Oktoober 2020, kuwaasoo kala matalaya Maamul goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka, waxayna qeybtood goobjoog ka ahaayeen saxiixii ka dhacay London.

Iyadoo Caasha Cismaan Axmed ay Hay’adda ku mataleysa Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud [Galmudug], Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed [Koonfur Galbeed] iyo Cabdixaafid Cali Dirir, [Soomaaliland].

172830cookie-checkXafiiska Xeer-Ilaalinta Oo Barwo u Diray Guddiga Batroolka