Gadood ka dhan ah Boobka Doorasho Oo Laga Dareemay Konfurta Gaalkacyo

Somalia news

Maalmahaan waxaa Konfurta magaalada Gaalkacyo ku sugan koox danley ah oo u adeegaya hirgelinta Boobka xulashada iyo Lacago u uruurinta (Dilaaliinta) Qorqor ee Musharixiinta, iyadoo laga soo saaray Digniino in kooxdaan ay joojiyaan howlaha ay gacamaha kula jiraan magaalada isaga baxaan…

Wararka ayaa sheegay in qeybo ka tirsan Bulshada Saraakiisha Ciidamada ee Magaalada Gaalkacyo ayaa caro & gadood ka muujiyay, hanaanka uu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor, doonayo inuu u maareeyimo kuraasta taalla degaan doorashada labaad ee maamulkaas, wuxuuna dadaal ahaan Dhaqaalaha u uruuriya u keensaday Saadiq John & Saciid Siyaad.

Magaalada Gaalkacyo, waxaa taalla 11-kursi, oo lix ka mid ah la dooran doono shanta bishaan, oo Sabtiga ku beegan, kuwaasoo kala ah HOP#001, HOP#013, HOP#017, HOP#020, HOP#060 iyo HOP#101, waxaana xusid mudan in Saddex ka mid ah kuraastan si gaar ah loogu xiray haweenka.

172870cookie-checkGadood ka dhan ah Boobka Doorasho Oo Laga Dareemay Konfurta Gaalkacyo