Gadoodkii ka Dhashay Go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran ee Jiheynta Siyaasada.

Somalia news

Tan iyo markii uu soo baxay war-Murtiyeeydkii Kala qeybiyay Shacbiga Soomaaliyeed ee Golaha Wadatashiga Qaran kaasoo heer kulkiisa gaaray heer ay qeylo dhaan laga soo saaro go’aan si weyn u bedelaaya Nidaamka Siyaasadeed ee 4,5 ee mudada lagu soo caano maalayay..

Qeylo dhaantaan ayaa soo saareen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Madaxdii hore kuwaasoo si adag uga horyimid Go’aankaasi kuna baaqeen in gebi ahaaan meesha laga saaro, isla markaasna laga talo geliyo go’aanka khuseeya arrimaha la xiriira qodobada Masiirka Shacbiga.

Go’aankaan ayaa lagu saleeyay jiheynta Siyaasada oo Qodobo badan oo Dastuurka KMG ka mid ah wax laga bedelo sida ka guurida Nidaamka ku dhisan Laanta Fulinta (Madaxweyne iyo Wasiirka 1-aad), loona guuro Madaxweyne & Kuxigeen taasoo kadhigan in Dastuurka qodobadiisa khuseeya wax laga bedelo loona baahan yahay in Wadar oggol.

Khubarada arrimaha gudaha ayaa ka digay in Koox gooni ah ay isku koobto talada Dalka isla markaasna ay soo saareen go’aano iyaga farax gelinaaya, gogosha lagu falanqeynaayo Masiirka Dalka dib u eegista Dastuurka waa in laga wada qeyb geliyaa Shacbiga Soomaaliyeed.

258740cookie-checkGadoodkii ka Dhashay Go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran ee Jiheynta Siyaasada.