Ma Dhabaa in Maamulka Hargeysa ay Cafis u Fidiyeen Boqor Buurmadow..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Maamulka Muuse Biixi ee Somaliland ay cafis u fidiyeen Boqor Cismaan Maxamuud (Buurmadoow) oo mudo dheer dalka uga maqnaa mucaaridad fogaatay ayaa haatan la sheegay in Maamulka uu ka dalbaday cafis loona oggolaaday..

Wararka ayaa sheegay in Oday Dhaqameedkaan oo ka soo jeeda Bariga Burco ayaa degaankiisa ka maqnaa mudo sanado ah sababo la xiriira khilaaf shaqsi ah oo isaga iyo Muuse Biixi u dhaxeeya, taasoo ku kaliftay inuu dalka uga maqnaado musaafuris ahaan, waxaana la sheegay in Mr.Muurmadoow ay xubno beeshiisa ah ku wargeliyay inuu Hargeysa deg deg u imanayo oo uu filayo in Muuse dhawaan shaaciyo cafiskiisa.

Maamulka Muuse Biixi oo in mudaba ah waday caburis iyo Xarig Dadka siyaasada kaga soo horjeeda, ayaan haatan derbiga soo taabtay, waxaana la sheegayaa in la-taliyaayiishiisa ay ku dhiiri geliyeen inuu Boqorka dib loo hawlgeliyo, si looga hortago awooda Xubnaha Mucaaridka ah ee ka soo jeeda Beesha Habar Jeclo.

Boqor Buurmadoow ayaa waxa hore loogu bartay isbedbedel siyaasadeed ayaan haatan u muuqan mid saameyn ku yeelan kara khilaafka mucaarida ka dhex aloosan Beesha bariga Sanaag, Xeel dheereyaasha ayaa sheegay in Boqorku madane dabka ugu jiro, oo laga jari doono aflaagaadooyinkii todobaadyada ka hor uun uu u jeediyay Muuse Biixi iyo Beeshiisa.

252730cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Hargeysa ay Cafis u Fidiyeen Boqor Buurmadow..