Xiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Dugsiga Benadir Sare

Somalia news

Kadib markii ay Maleeshiyaadka Farmaajo ku hungoobeen iney Qabsadaan Hoyga Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh Ee Agagaarka Isbitaalka Laasareetti,iyagoo ka cararay Dhaawacyo iyo tiro meyd ah, waxeyna haatan isku diyaarinayaan iney weeraraan Degaanada Musharax Cabdiraxman Cabdishakuur oo ku yaal Dugsiga Sare Ee Benadir ee Degmada Hodan…

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Saadaq Joon oo ciidamo badan hogaaminaaya ayaa haatan ku sugan guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame ka dagay Dalcadda C/Qaasim Taleex, Waxaa xoojin ahaan ugu wacday Indhaha Cadde, xaaladda ayaa hadda kacsan.

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa ka digay in Ciidamada Amisom ay qeyb ka noqdaan dagaalka kadib markii galabta uu Rasaas ka qaaday Adeege Fahad Yasin, wuxuuna ugu baaqay Shacbiga Magaalada Mogadishu iney difaacaan hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

#Wixii soo kordha soco#

114100cookie-checkXiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Dugsiga Benadir Sare