Maxkamado Aan Garsoor & Cadaalad looga Baran Miyaa Shacbiga Ku Qancin kara Xukun Shaki Hareeynaaya..

Somalia news

Inkastoo tuhumo iyo Eedo oo aysan ka marneyn loo jeediyay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Villa Somalia iyo Hey’adda NISA kuna aadan Kiiska Marxuumada Luul Cabdicasiis Maxamed ee uu gubay (Jirdilay) Seygeeda Eedeysane Siyd Cali Macallin Daa’uud ee marin habaabinta & Wakhti luminta Kiiska, maxaa yeelay qiyaastii 7-Maalmood ayaa xabsiga NISA lagu Eeysanaha si Ehelada culeys loogu saaro iney Diyo qaataan..

Dulucda Kiiska iyo Marin habaabinta wakhtiga lagu lumiyay ayaa iftiimineysa inuu jiro shaki ku aadan in Saraakiil kor ku xusan ay si bareer ah wakhtiga u lumiyeen, iyadoo uu Xeerku uu dhigaayo in Eedeysanaha isla maalintaasi la keenay la hor geeyo Garsoorka Madaxkamada si qiraal looga sameeyo fal uu geystay xiligaasi diyaar u ahaa ayaan darrasi ma dhicin.

Maalmo kadib ayaa lagu wareejiyay Baarayaasha Boliiska (CID) Eedeysanaha maalmo gudahoodna waxaa lagu horgeeyay Maxkamada oo loo mudeeyay qaadista Dacwada, ayaan darro dooda laga sameeyey Maxkamadda labadii maalin marnaba cidna kama doodin Eedeysanaha (Sayid Cali ) ayaa xaaskiisa dilay iyo ma dilin ee waxaa laga doodayey dilka wuxuu ahaa mid kas ah iyo mid kas-dhaaf ah (preterintentional, or by intention Art 24/1 A-B).

Dooda dacwad-oog aha waa A, Qareenadana waa B, waxaa go’aamin karo waa Garsoorka Maxkamadda oo kali ah ( 202 XHC), Sheekooyinka kale waa wakhti lumis, Arrinta Qareenada haddii ay diidaan iney Sayid Cali difaacaan Maxkamadda way xirmaysaa lama dhagaysan karo, waxaana waajib noqonayso in Dowladda ay dhaqaale ku bixiso Qareeno xirfad sare leh oo difaaca, Arrintaas waa nidaamka Madaniga ah ee aan qaadanay ee haddii la durayo hala duro Xeerka ee ma aha Qareenka, sidoo kale Garsoorka ayaa Su’aalihiisa waxaa ka muuqda kacsanaan, waayo aragnimo la’aan iyo xanaaq badan, Ku darsoo ma jirto cid go’aan leh oo aan ka ahayn Garsoorka Maxkamada, inta kale waa tabiyaal dhacdo labo dhinacle ah oo kali ah, Cadaaladda Madaniga ah waa habraaca (Justice must not only be done, but it must also be seen to be done.”

Tuhunka ayaa ah in Dowladda Federaalka ay dooneyso iney soo nooleyso Nidaamka Garsoorka iyo Cadaalada sida ay jeceshahay, Shacbigana u muujiso in markii ugu horeysay ay Maxkamad aan aheyn kuwa Ciidamada ay rido Xukun Cadaalad ku dhisan (Dhedo roob noqon weysay), laakiin ayaan darrada jirtaa ayaa ah in Maxkamadaha Gobolka, Racfaanka iyo Maxkamada Sare ayaa muddo dheer ahaayeen Suuq la isku faliso qiimaha, taasoo horseeday in Shacbigu ka niyad jabaan oo ay Cadaalad u raadsadaan Kooxaha Argagixisada.

Shacbiga ayaa ka naxay in Kiisaskii Musuqa ee Maxkamada Gobolka ay qaaday dhamaan dembiyadii lagu waayay Eedeysanayaasha, taasoo si fudud loogu soo oogi karay Kiisaska loo heysto waxeyna muujineysaa in Xeer ilaalinta iyo Baarayaasha aysan sidii la rabay u soo diyaarin Dacwada, Dacwadaan ayaa Dad badan ay qabaan in wakhtiga lagu luminasyo kadibna Suxul iyo in lagu qasbi doonaa Ehelada iney qaataan Mag ku soo dhamaan doonta.

311230cookie-checkMaxkamado Aan Garsoor & Cadaalad looga Baran Miyaa Shacbiga Ku Qancin kara Xukun Shaki Hareeynaaya..