Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Xijaar & Finish

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Duqa Magaalada Mogadishu iyo Taliyaha Ciidamada Boliiska, Xiisadaan ayaa salka ku heysa Dhismayaal Dan guud ah oo Maamulka Gobolka uu doonayay inuu burburiyo, kadibna ka dhigo Goob Gadiidka la dhigo…

Khilaafkaan ayaa la sheegay inuu sii xoogeystay kadib markii Uu Cumar Finish diiday inuu joojiyo Howlaha burburinta dhismaha xarunta Naafada ku yaal nawaaxiga Dekada Magaalada Mogadishu, amarkaan joojinta ah Ee uu soo saaray Mr.Xijaar ayuu ku adkeeyay Taliyaha Boliiska Gobolka Benadir inuu fuliyo, kaasoo la sheegay inuu ka maquurtay.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhowaan amar ku bixiyay laba dhinaca ee Bari iyo Galbeed ee Dekadda Muqdisho barxado ku yaala lagu wareejiyo darbi lagana dhigo baakinka gaadiidka gala Dekadda Muqdisho oo jaam badan ka sameeyay waddooyinka Gobalka Banaadir.

Ma cadda halka ay xiisadani ku dhammaan doonto, balse sida muuqato ma huri doonto inuu soo fara geliyaan Wasiirka 1-aad Mr.Rooble iyo Farmaajo oo xiliyadaan dambe uusan jirin wada shaqeyn ka dhaxeysa.

136620cookie-checkKhilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Xijaar & Finish