Maamulka Hargeysa Oo Diiday Deeq Waxbarasho Oo Saami laga siiyay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa saami qeybsi Waxbarasho oo ay Maamulada Gobolada & Caasimada u sameysay Dowlada Federaalka, ayaa waxaa ku gacan seyray Maamulka Muuse Biixi ee Gobolada Waqooyiga, waxeyna sheegeen iney iska diideen deeqdaasi Waxbarasho…

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Cabdixakiin Siciid Muuse Bustaale, oo waraysi siiyay muuqaal-baahiyaha Maamulka Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland iyo Somalia ay yihiin laba dowladood oo kala madaxbannaan, isaga oo deeqda waxbarasho ku tilmaamay qorshe la’aan siyaasadeed.

“Waan arkaynay warqad baraha bulshada waraygaysay oo kasoo baxday maamulka Muqdisho, runtii waxaanu u aragnaa nasiib daro wayn iyo qorsha la’aan siyaasadeed oo halkaasi ka jirta, sideedaba Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dowladood oo kala madaxbannaan” ayuu yidhi Bustaale.

211380cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Diiday Deeq Waxbarasho Oo Saami laga siiyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com