Xeer-ilaalinta Ciidamada Oo Bilowday Baarista Kiiska Ikraan Tahliil

Somalia news

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada ayaa la sheegay iney bilaabeen Baarista Kiiska Sarkaalada NISA ee Ikraan Tahliil, iyadoo lagu wado in Eedeysanayaasha loo heysto afduubka iyo Dilka Sarkaaladii ka tirsaneyd Hey’adda NISA, waxaa durbadiiba dardar lagu bilaabay Baarista Galdacwadeedka…

Ehelada Sarkaalada Afduubtay ayaa 8-dii Bishaan Waxaa Qoraal dacwad ah u gudbiyeen Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada, iyadoo farta ku fiiqay Eedeysanayaasha kala ah:-

-Fahad Yasin Xaaji Daahir Agaasimihii hore NISA.
-Kaaliyaha Agaasimihii Hore Cabdullaahi Kulane Jiis-Mareexaan
-Madaxa Hey’adda NISA Ee Gobolka Benadir Yasiin Farey.
-Cabdiqani dhiirane ( Wadna-qabad), oo ka tirsan Hey’adda Nabadsugida.

Hogaanka NISA iyo Villa Somalia ayaa horey loogu Eedeeyay iney is-Hortaag ku sameeyeen Baarista Kiiska Ikraan Tahliil, iyagoo ku xadgudbay qodobo dhowr ah oo Xeer Ciqaabta Soomaaliyeed iyo kan Ciidamada.

140230cookie-checkXeer-ilaalinta Ciidamada Oo Bilowday Baarista Kiiska Ikraan Tahliil