Heshiis ay Wada gaareen Dowladda Federaalka & Maamulada Gobolada

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Shir lagu qabtay Magaalada Beydhabo oo ay ka soo wada qeyb galeen Wasaaradaha Cadaalada iyo Daatuurka ee Federaalka iyo dhigooda Maamulada Gobolada, waxaana shirkaasi looga dooday sidii ay xubno ugu yeelan lahaayeen Maamulada Guddiga dib u eegista Dastuurka..

Heshiiskaan oo muddo soo jiitamaayay, iyadoo Maamulkii Farmaajo uu ganafka ku dhuftay in Maamulada ay Wakiilo ku yeeshaan Guddiga dib u eegista Daatuurka ee madaxa banaan iyo kan Federaalka ee isku dhafan, iyadoo kulankaan laga soo saaray heshiis ka kooban 10-qodob.

Shirkaan ayaa Maamulada laga codsaday inry si deg deg ah ugu soo magacaabaan Xubnaha Guddiyada u metelaaya, iyadoo ay Wasiirada ku heshiiyeen in Shirkaan kiisa xiga lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Beydhabo, Qodobadaan ayaa dhawaan horey ugu heshiiyay Golaha Wadatashiga Qaran, iyagoo Wasiiradaan iyo Guddiyada lagu amray iney Golaha horkeenaan Qodobada la doonaayo in wax laga bedelo Dastuurka Qabyada ah iyo kuwa lagu kordhinaayo.

224270cookie-checkHeshiis ay Wada gaareen Dowladda Federaalka & Maamulada Gobolada