Xiisadaha Colaadeed Oo Ka Taagan Xuduudaha Somalia & Kenya

Somalia news

Waxaa labadii Maalmood ee ugu dambeeyay ka soo cusboonaaday Magaalooyinka B/Xaawo-Mandheera Ee Somalia iyo Kenya Xiisado Colaadeed, iyadoo Mas’uuliyiinta labada dal ay Xuduudaha soo dhoobeen Ciidamo badan Gadiid dagaal iyo madaafiicda Goobta….

Kenya:- Dowladda Kenya ayaa digniin adag u jeeday Somalia, iyadoo ku eedeysay iney Maleeshiyaad hubeysan ka dhistay xuduuda labada dal kuwaasoo dhibaato xoogan ku haya dadka degaanka, waxeyna dhaqdhaqaaq Ciidamo ka bilaawday xuduudda Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari la wadaagto Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo Shalay is bedel ku sameysay Ciidamadii Boliiska ee xuduudda ilaalin jiray, iyadoona ku bedeshay kuwo militari oo aad u Qalabeysan.

Ciidamadaan ayaa degay Halka loo yaqaano saddex geesoodka ee saddexda dal (Somaliya, Kenya iyo Ethiopia) kulmisa ayay Kenya soo dhoobtay kun iyo shan boqol oo askari, kuwaasoo sida la sheegay u badan askar militari ah, oo ka soo jeeda Gobolka Soomaalida Kenya degto ee NFD.

Sidoo kale Ciidamo taabacsan Maamulka Jubbaland oo laga kala keenay Degaanada Buurgaabo, Kudhaa iyo Raaskambooni ayaa xalay soo gaaray xadka, waxaana hogaaminaaya Sarkaal lagu magacaabo Fanax, si dhowna loola xiriiriyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ciidan uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo ka soo ruqaansaday dhanka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sidoo kale soo gaaray xuduudda, iyagoona ku sugan qaybta Kenya.

Somalia:- Dhanka Somalia waxaa xuduudda Degmada Beled Xaawo ku sugan Ciidamada Gorgor, Boliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Maleeshiyo Beeleed uu abaabulay Cabdulahi Kulane (Jiix-Mareexaan) kuwaasoo tiradooda guud lagu sheegay 3-kun.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa waxay ku soo aadayan, xilli bilihii la soo dhaafay ay xiisad ku soo korortay xuduudda labada dal, iyadoo ay dadka deegaankuna ka baqdin qabaan in lagu dul dagaalamo.

80050cookie-checkXiisadaha Colaadeed Oo Ka Taagan Xuduudaha Somalia & Kenya