Ma Dhabaa in Khilaafka Doorashada ee ka Taagan Garoowe Wadal Hadal Lagu Dhameynaayo..

Somalia news

Wararka laga helaayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xiisad la xiriirta doorashooyinka Qof iyo Cod ayaa ka Taagan gudaha magaalada Garoowe, waxeyna qarka u saaran in maanta heshiis buuxa laga gaaro sida ay xaqiijinayaan xubno ka tirsan dhinacyada muransan..

Wararka ayaa sheegay in Wada-hadal dheer kadib, Maamulka Dani iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa labaduba aqbalay waan-waantii laga dhex waday si loo xalliyo xiisadda taagan, Maamulka Puntland ayaa ballan qaaday iney ka laabanayso waarankii soo qabashada ee Siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo ay ku jiraan Maxamuud Shiddo iyo Xasan Abgaal.

Dhinaca kale Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa mabda’ ahaan aqbalsan in ay si nabdoon ku qabsoonto doorashada Qof iyo Cod islamarkaana ay Xoogaga hubeysan ka saaraan magaalada, Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa sida la xaqiijinayo kaalinta ugu muhiimsan ka qaatay xallinta xiisaddan oo lagu wado in ay wada-hadal ku dhammaato.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in aan weli la fulin qodobada lagu xallinayo xiisadda taagan waxaase lagu wadaa in ugu dambayn maanta lagu guulaysto hawshaas, isla markaasna Xoogaga Hubeysan Dhufeysyada ay gudaha Magaalada ka dhisteen la burburiyo.

257090cookie-checkMa Dhabaa in Khilaafka Doorashada ee ka Taagan Garoowe Wadal Hadal Lagu Dhameynaayo..