Ma Dhabaa in Deni uu Xil u Magacaabayo Wasiirkii Arrimaha Dibeda ee Somalia..

Somalia news

Macluumaad loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Maamulka Saciid Deni ee Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay uu ku mashquulsanaa sidii uu heshiis buuxa ula gaari lahaa Isimada Dhaqanka ee Beesha Ciise Maxamuud iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Beesha kuwaasoo aad uga soo horjeeday Siyaasada Maamulka Deni..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Golaha Wasiirada ee Maamulka Puntland dhawaan la magacaabi doono uu oa soo dhex muuqan doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda ee Dowlada Federaalka Mr.Abshir Cumar Huruuse kana mid ahaa Musharixiintii u tartameysa Xilka Madaxtinimada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Huruuse loo magacaabi doono Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, wuxuuna saami-qeybsi ahaan boosja kala bixi doona Cabdi Faarax Juxaa oo hadda ah Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland sidoo kalena soo noqday Wasiir heer Federaal ah.

305920cookie-checkMa Dhabaa in Deni uu Xil u Magacaabayo Wasiirkii Arrimaha Dibeda ee Somalia..