NISA Oo Eedeysay Saraakiisha Dekada Muqdishu

Somalia news

Qoraal ay soo saareen Hey’adda NISA ayeey ku Eedeeyeen Boliiska, Kastamka iyo Maamulka Dekada Muqdishu iney ka dambeeyaan ama sabab u yihiin in Kooxda shabaab iney Walxaha qarxo kala soo dagaan dekada iyo Baadana (Canshuurta) ay ka helaan dekeda….

NISA ayaa waxay sheegtay inay go’aansatay in baaritaan lagu sameeyo dhamaan konteenarada kasoo dagaya dekeda, si looga hubiyo in lagu soo qariyay aaladaha qaraxyada.

Waxaase la yaab leh in Xafiisyo ay NISA ku dhex leedahay Dekada Muqdishu isla markaasna ay qeyb ka tahay Baada laga qaado Ganacsatada iyo Shirkadaha ayaa hadda eedeyn u jeedinaaya Hey’adaha kale Ee Dekada ka howlgala, iyadoo Hogaanka NISA uu xiriir toos ah la leeyahay Kooxda argagixisada Shababka.

69010cookie-checkNISA Oo Eedeysay Saraakiisha Dekada Muqdishu