Xiisado Ka Taagan Degmada B/Burte

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada B/Burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xarunta Degmada ay maanta xiisad xoogan ka taagan tahay, taasoo u dhexeysa Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo maamulka Degmada ka dhisan….

Ilo deegaanka ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in ciidamada AMISOM ay isku hareereeyeen xarunta degmada, iyadoo ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan taliska ciidamada Jabuuti lagu arkay waddooyinka soo gala xarunta demada Buulo-Burte.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in ciidamo taabacsan Gudoomiyaha degmadaasi Feysal Haajir Aadan ay iyaguna dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha degmada, Xiisadan ayaa soo baxday ka gadaal markii Mr.Feysal Haajir uu ku eedeeyey saraakiisha ciidamada Jabuuti inay faro-gelin maaliyadeed ku hayaan maamulkiisa.

Dadka deegaanka ayaa haatan cabsi ka muujinayo in dagaal culus uu ka qarxo degmada, maadaama dhaq-dhaqaaqyo iska horjeeda laga dareemayo, ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan xiisadda ka aloolsan Buulo-Burte.

94000cookie-checkXiisado Ka Taagan Degmada B/Burte