Xiisado Ka Taagan Magaalada B/Weyne

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya dhaqdhaqaaq ay wadaa. Maleeshiyaad degaanka ah Ee la magac baxay Jabhadda Xaq u dirirka Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in ay la wereegeen saakay Kontaroolkii ugu weynaa ee Canshuuraha lagu qaado iyo banaanka hore ee garoonka magaalada Beladweyne….

Wararka ayaa sheegaya in kooxdaan oo ah kuwo hubeysan ay kasoo Ruuqaansadeen degaanka Ceel-gaal oo ay horay ugu sugnaayen, waxaana lasoo sheegayaa in haatan ay doonayaan in la wareegaan qaybo muhiim ah oo ka tirsan Beled Weyne, Horjoogaha Xoogagaan hubeysan  Abuukar Xuud ayaa ku fasiray sababta ay hubka u qaateen ay tahay sidii looga hor istaagi lahaa Kooxaha doonaaya iney Booqasho ku yimaadaan Magaalada B/Weyne.

Tan iyo Markii maamulka Hir-Shabeelle lagu soo dhisay Magalada Jowhar ee Xarunta maamulkaasi ayaa waxaa soo baxayay qayla dhaanta kasoo yeeraysa Bulshada reer hiiraan, waxaana kasoo dhexbaxay malleyshiyo hubeysan oo sheegay in ay kasoo horjeedaan Maamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

75010cookie-checkXiisado Ka Taagan Magaalada B/Weyne