Ma Dhabaa in Xildhibaan Gen. Bashiir America oo loo magacaabayo Taliyaha Boliisks

Somalia news

Sida ay sheegeen, ilo wareedyo loo qaateen ah, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa maalmaha soo socda magacaabi doona Gudoomiyaha Bangiga Dhexe & Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska, iyadoo lagu wado in xubno ka soo jeeda Puntland loo magacaabo…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in weli ay wada xaajood laga geli doono Magacaabista Gudoomiyaha Bangiga dhexe halka Xilka Taliyaha Boliiska ayaa loo magacaabi doonaa Xildhibaan Gen. Bashiir Cabdi Maxamed, oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee laga soo doortay degaannada Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka codsaday Xasan Sheekh inuu u magacaabo Gen. Bashiir America, taasoo uu aqbalay Madaxweynuhu, sida ay inoo sheegeen saraakiil kamid ah Madaxtooyada Villa Somalia, Gen.Bashiir ayaa horey u soo noqday La-taliyaha Amniga uu noqday Madaxweyne Saciid Deni, ka hor inta uusan noqon Xildhibaan uu soo saartay Deni oo ahaa musharrax Madaxweynaha JFS.

211080cookie-checkMa Dhabaa in Xildhibaan Gen. Bashiir America oo loo magacaabayo Taliyaha Boliisks
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com