Khilaafka Ganacsiga Qaadka Oo Marxalad Adag Gaartay

Somalia news

Ganacsatada Qaadka Ee Somalia iyo Kenya ayaa la sheegay iney soo food saartay marxalad adag, iyadoo ay xaalada ku sii cuslaatay, kadib markii uu Mr.Farmaajo Uu culeys ku saaray Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowladda iney Joojiyaan Qaadka sida dhuumaaleysiga looga soo dejiyay Xeebaha Muqdisho…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Mr.Farmaajo oo Walaalkiis iyo Xubno abti ah ay ku shirkoobeen Qaadka Ethiopia, isla markaasna lagu qasbay Dadka isticmaala Maandooriyaha Qaadka iney gataan Qaadka Ethiopia, iyadoo inta badan Bulshada Qaadka quuta ay diideen.

Wararka ayaa sheegaya in labada Dowladood (Kenya Iyo Somalia) ay ku heshiiyeen in14-maalmood gudahood la isku furo Xuduudaha, waxaa soo baxaaya ifafaalo muujinaaya in Heshiiska la gaaray ay Dhanka Somalia uusan ka soconeynin sababo la xiriira Diidmada M.Farmaajo.

Ilo wareedyo Ayaa sheegay in 5-Doonyood oo shixnado qaad ah waday lagu daadiyay Xeebaha Muqdishu, kadib markii ay howlgalo iska kaashadeen Ciidamada Amisom iyo kuwa Badda Ee Somalia, waxaana howlgalkaasi lagu qabtay 17-tan oo Qaadka Mirowga ah.

Inkastoo ay Diblomaasiyiinta iyo Ganacsatada labada ay ku heshiiyeen todobaadkii hore, iyadoo ay Dowladda Kenya ay oggolaatay in wax soo saarka beeraha Somalia loo dhoofiyo Kenya sida Caanaha, Hilibka iyo Kaluunka, balse waxaa heshiiskaasi Diiday Mr.Farmaajo oo u daneynaaya Walaalkiis.

74970cookie-checkKhilaafka Ganacsiga Qaadka Oo Marxalad Adag Gaartay