Xiisado Ka Taagan Qeybo Ka Tirsan Gobolka Sanaag

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa xaqiijinaya, in Maamulka gooni goostidka Somaliland ayaa la sheegay in kooxo Dhalinyaro oo abaabulan u diray degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag, waxeyna ka bilaabeen Qodista Dahabka iyo noocyada kala duwan ee Macdanta….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.con news in Degaanka ay Somaliland haatan ka bilowday Macdan Qodista oo lagu magacaabo Shidan, waxaa muddo sannado ah ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa laba beelood oo degaanka wada dega taasoo aan weli heshiis dhammaystiran laga gaarin.

Wararku waxay sheegayaan, in Maamulka Muuse Biixi uu shirkado shisheeye si hoose heshiis kula galay barnaamij ku saabsan Macdan Qodista, oo la doonayo in laga sameeyo Buuraleyda ku teedsan xeebaha Gobolka Sanaag, iyadoo Barnaamijkaan loo xil saaray Ganacsato ka soo jeeda Degaanka si aan loo dareemin Qorshaha Maamulku wadato.

Tallaabadan ay ku dhaqaaqday Maamulka Hargeysa ayaa laga cabsi qabaa iney uga sii darto xiisadda qabiil ee ka aloosan Degaanka Shidan maadaama ay halkaas wada degaan laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Somaliland.

99890cookie-checkXiisado Ka Taagan Qeybo Ka Tirsan Gobolka Sanaag