Maxaa Xiligaan Horseeday in Taalada Shuhadada Laas Caanood Rinji Madow la Mariyo..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Kooxo diidan Hogaanka Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka kale ayaa Taaladii magaalada oo Rinji Buluug ah marsanaa lagu bedelay Rinji Madow, iyadoo lagu eedeeyay Tiro Dhalinyaro ah iney ka dambeeyaan…

Dhacdadaan ayaa Shacbiga Magaalada argagax ka qaaday gaar ahaan Dadka taageersan Qadiyada Somaliweyn, iyadoo lagu eedeeyay talabadaan iney ka dambeeyaan koox madiidin u ah oo sandareerto ka qaadato Maamulka Muuse Biixi, waxaana laga cabsi qabaa iney ku dhiiradaan fekerka gooni goosadka ku baahiyaan magaalada.

Maxaa Dhaliyay in Taalada laga Tiro Calanka Buluuga ah:-

Wararka ayaa sheegay in bilaabatay kadib markii Mid ka mid ah Horgalada (Cabdiqani Maxamed Jiidhe) madiidinka u ahaa Maamulka Muuse Biixi uu ka khudbeeyay, ayaa Dhalinyarada Halganka ku jirta u arkay inuu dhabar jab ku yahay Halganka & Dadka u geeriyooday, iyagoo ku sifeeyay inuu weli daacad u yahay Maamulka Hargeysa.

Ilaa hadda ma cadda Go’aanka ay Odayaasha Dhaqanka iyo Mas’uuliyiinta Khaatumo-SSC ay ka qaadan doonaan arrimahaan, inkastoo Hogaanka Amaanka Maamulka oo horey u soo saareen Digniino la xiriira Kooxda Cabdiqani iyo kuwa kale ay weli daacad u yihiin Maamulka Hargeysa ayna geysan karaan kala qeybin Shacbiga Gobolka Sool.

265060cookie-checkMaxaa Xiligaan Horseeday in Taalada Shuhadada Laas Caanood Rinji Madow la Mariyo..