Xildhibaan Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Health

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Somaliya oo maalmahan ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku geeriyooday Isbitaalka Yardimeli ee Muqdisho…..

Allaha u naxariistee Xildhibaanka geeriyooday, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Xasan Cali ( Jamhuuriya) waxa uu muddooyinkii dambe ka xanuunsanaayay kilyaha.

Isbitaalka Digfeer ayaa laba habeen ka hor Xildhibaanka looga soo qaaday Mashiinka Kilyaha Sifeeye oo loogu geeyay Isbitaalka Yardimeli ee Muqdisho, halkaasoo Xildhibaanka uu ku jiray.

Bahda Mareegtada Diinah.com iyo Aarka Diinah blogs, qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ayaa tacsi u diray qoyska & qaraabada uu ka baxay Marxuumka, waxaana Alle ay uga baryeen inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

Maanta ayaa sida qorshaha uu yahay Aas loogu sameynayaa Muqdisho Marxuum Xildhibaan Aadan Xasan Cali, sida Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ay sheegeen.

28520cookie-checkXildhibaan Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho