Maxaad kala socotaa Qorshayaasha Madaxweynaha ee La Dagaalanka Shabaabka oo fashil ku dhow iyo U-Qalbi qaboojint USA…

Somalia news

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey madal cilmi baariseed oo laga leeyahay Turkiga (SETA), wuxuu uu xusay xiriirka Laba Dal ay leeyihiin uu salka ku haya dhinacyada iskaashiga Diblomaasiyada iyo Amniga…

Qorshayaashii hore

1: Containment Policy: qodobkan oo macnihiisu yahay siyaasadda “xakamaynta”; oo ah in Shabaabka lagu horjoogo Somalia si aaney u fidin awooddoodu. Habkan ayeey Dalalka deriska iyo beesha caalamku isla qaateen, inkastoo Qodobkani oo uu uwanaagsanaa hadana uma shaqaynin sida uu la filaayay sababta oo ah Soomaalidu waxay leeyihiin qurbe joog badan kuwaasoo sida uu hadalka u dhigey ay jihaadiyiintu soo jiiteen aragti ahaan dabadeedna ay carbiyeen isla markaana ku laabta Dalalkooda taasna ay ugu wacan tahay ajandaha kooxda Argagixisada oo ah caalami ah.

Degrade Policy:

Wiiqida ama Naafeynta awoodda Maleedhiyaadka Argagixisada ee Somalia, qodobkan ayuu ku sababeeyay in haddii la dhimo awooda kooxda in aaney jirayn qurba joog ay soo jiidan karaan islamarkaanu aanu haba yaraatee faafi karin fikirkoodii ay qurbejoogta ku soo xero galinayeen.

The new policy (Siyaasadda Cusub)

Wuxuu sheegay haddii labadii qorshe ee hore shaqayn waayeen inuu go’aansaday hal qorshe oo u sii kala baxaya saddex nooc.

1-Eliminating Alshabab: habkan cusub ee ay qaadatey DF ahi waa in gebi ahaanba meesha laga saaro kooxdaani. Inkastaoo labadii hab ee hore ahaayeen Militarized haddase habkan cusubi wuxu dhigayaa:

A: Military front: In uu dagaalka millateri sii socdo

B: Ideological front: In fikir ahaan loola dagaallamo kooxda dabadeed lagasoo ceshado aragtida islaamiga ah ee ay ku dagaallamayaan. Qodobkan ma garan karo sida Xasan Sheekh u fulin karo, waayo haddii uu rabo in uu ka dhabeeyo waa in uu dawlad Islaami ah ku dhawaaqaa.

C: Economical front: Qodobkani wuxuu dhigayaa in Shabaabka lagala dagaallamo dhaqaalaha, kooxda ayaa waxey ku xoogan yihiin Dhulka miyiga ah isla markaana Dadka Soomaaliyeed ay yihiin 70% bulsho reer guuraa ah kuwaasoo shabaabku ka qaataan Zakooyin iyo cashuur halgan (Jihad taxation).

Lakiin Dooda Xasan markii uu qodobkaa sheegay wuxuu ka qariyay Shacbiga in kambaniyadiisa gaarka u leeyihiin qoskiisa sida SOM GAS iyo kuwo kale oo badan iney Kooxda Shababka si qarsoodi ah u siyaan zakawaadka si dadban, iyadoo gacan 3-aad oo ganacsato loo sii mariyaayo hadaba doodo xoogan oo ay qabaan qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh “Taariikh ahaan dagaalka noocan ahi kuma dhammaado hawgallo millateri”.

Marka la isku soo hooriyo khudbaddii uu madaxweynaha ee machadka SETA iyo khudbaddii kale ee uu Ciidamada u jeediyay waxaa muuqata in DF-ka ay waxa loogu yeero beesha caalamka ku afgubaadsanayso dagaalka ka dhanka ah Kooxda argagixisada, marka lagaaro sanadda 2024 waxay u muuqataa in lasoo afjaro howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Iyadoo aan guul laga gaarin Kooxda Shababka.

Hay’adda Xasaradaha Aduunka ee loo yaqaan ICG ayaa bishii lasoo dhaafay soo saartay daraasad ay ku sheegayso in dagaal aan looga adkaan karin Shabaabka waxeyna DF-ka ugu baaqday iney wadahadal lafurto Kooxda Argagixisada Shababka, Hadaba aqristoow maxaa kuu baxay.?

268590cookie-checkMaxaad kala socotaa Qorshayaasha Madaxweynaha ee La Dagaalanka Shabaabka oo fashil ku dhow iyo U-Qalbi qaboojint USA…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com