Xildhibaanada Masar Oo Oggolaaday In Ciidamada Loo Adeegsado Dalka Libya

World

Xildhibaanada Barlamaanka Dalka Egypt ayaa maanta wuxuu ansixiyay qarar u oggolaanaaya Madaxweynaha Inuu Ciidamada Dalka u adeegsado Dagaalada Dalka Libiya, Gaar ahaan Magaalooyinka Sirta iyo Jufra oo ay heystaan Ciidamada Daacada u ah Mr.Khaliif Haftar..

Dalka Libiya ayaa wajahaaya Qalalaase amni iyo mid Siyaaso, kadib markii ay weerar toos ah ku afgambiyeen Ciidamada NATO, Taliskii Col.Mucamar Gadhafi sanadkii 2011-kii, iyadoo dalkaasi uu hodan ku yahay Saliida iyo Gaaska, waxaana xiligaan ku hardamaaya Dalalka Russia, France, UAE, Sacuudiga iyo Egypt Oo dhinac ah waxeyna taageero Siyaasadeed mid Dhaqaale iyo Taakuleyn Ciidan la garab taagan yihiin Mr.Haftar Oo xarun u ah Magaalada Bengazi.

Halka Dowladaha Turkiga iyo Qatar ay taageersan yihiin Dowlada ka arrisama Magaalada Tripoli, iyadoo Ciidamo badan (3800) oo Laga qaaday Dalka Siria ay Turkiga geeyeen Dalka Libiya si ay xoojiyaan Ciidamada Dowlada.

Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer soo jeedisay Dalalka ku hardamaaya dalkaasi iney u turaan Shacbiga Dalka Libiya oo ay joojiyaan taageerada Ciidan iyo Saanad military ay ku daabulayaan dalkaasi, isla markaasna wada hadalo lagu dhameeyo xiisadaha ka taagan Magaalooyinka Sirta iyo Jufra.

49150cookie-checkXildhibaanada Masar Oo Oggolaaday In Ciidamada Loo Adeegsado Dalka Libya