Finland oo Noqotay Dalkii ugu Horeeyey Aduunka oo Tijaabiya Pasaborka Dhijitaalka ah..

World

Dadka Finnish-ka ah ee ka soo duulaya Caasimadooda Helsinki ee u socda Boqortooyada UK waxa laga yaabaa iney hadda awoodaan inay addeegsadaan Aqoonsiga dhijitaalka ah oo sawir ahaan Taleefankooda halka Pasaboorkooda caadiga ah…

Dadka safarka ah ee raacaya qaar ka mid ah duulimaadyada Finnair waxay awood u yeelan doonaan inay ka gudbaan kontoroolka xuduudaha iyagoo isticmaalaya Aqoonsiyada Safarka Dhijital ah (DTC) halkii ay sugi lahaayeen safka baaritaanka xuduudaha.

Saraakiisha Socdaalka ee Wadanku waxey bilaabeen tijaabadan cusub iyadoo lala kaashanayo Shirkada duulimaadka Finnair, Boliiska Finland iyo Howlwadeenka Garoonka diyaaradaha ee Finavia, laakiin waxa laga yaabaa in nidaamkan cusub laga hirgeliyo guud ahaan dalalka Midowga Yurub.

Tijaabada Baasaboorka dhijitaalka ah ee Finland waa qayb ka mid ah mashruuc tijaabo ah ee EU-da oo lagu fududeenayo nidaamka safarka.

275590cookie-checkFinland oo Noqotay Dalkii ugu Horeeyey Aduunka oo Tijaabiya Pasaborka Dhijitaalka ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com