Wararkii Ugu Ugu Dambeeyay Ee Kulamada Wada Tashiga

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya in Mr.Farmaajo uu k oggolaaday in Qaab cusub oo doorsho oo wakhtigeeda la qabto, iyadoo ay taladaasi soo jeediyeen Madaxweynayaasha Maamul Goboleydyada Puntland iyo Jubbaland…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Labada Dhinac ayaa isla oggolaadeen in Doorashada waqtigeeda ku dhacdo Doorashadana ay u dhacdo habkaan leyla oglyahay, taasoo ah mid la balaariyay Oo noocii hore oo kale ah.

Waxeyna dhinacyadaan isla ogolaadeen in Xildhibaan kastaa oo la soo dooranaayo ay u codeeyaan 1000 ilaa 2000 Qof oo Qabiilkiisa si looga Baxo Doorashadii 2016 ee aheyd tii ugu musuq maasuqa badneyd, iyadoo sida Muuqata Labada dhinac ay ka tanaasuleen aragtidoodii hore, Nooca doorshadaan ee laga hirgelin karo Xiligaan ay tahay Doorasha waqtigeeda ku dhacdo.

Waxaana lagu wadaa In Caasimadaha Dowlad Goboleedyada la dhigi doono Saanduuqyada si Xildhibaanada looga soo doorto, Waxaa Saacadaha Soo socda lagu wadaa inuu furmo, iyadoo sidoo kale xal laga gaaray Shirka Gudoonka iyo waliba Ilaalada Sugayo Amniga Goobta Shirka lagu qabanayo

49110cookie-checkWararkii Ugu Ugu Dambeeyay Ee Kulamada Wada Tashiga