Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta lagu wadaa inay dood adag ka yeeshaan Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare….
Xeerkan oo mar sii horeysay lagu soo daray Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee murunka badani hareeyay ayaa waxaa soo diyaariyay Villa Somalia loona soo dhiibay Guddiga Wadajirka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka, ee Dhameystirka Xeerarka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in doodani ay noqon doonto mid ka mid ah doodihii ugu qaraaraa, ee ay yeeshaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, bacdamaa ay jiraan kuwo fara-badan oo si weyn uga soo horjeeda.
Waxgaradka Magaalada Muqdisho ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ugu yeeray inay ka fiirsadaan meel marinta Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir, isla-markaana aysan ku deg-degin.