Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ku Gacan Seyray Guddiyada Doorashada

Somalia news

Iyadoo aysan muuqan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ineysan diyaar u aheyn iney dhisaan Guddiyada Doorashada oo dhexdhexaad ah, isla markaasna ku adkeysanaaya iney howlgaliyeen Guddiyada Doorashada, ayaa waxaa isa soo taraya digniinaha ku aadan in ay musuqmaasuqaan xulista Xildhibaanadda.

Hogaamada Xisbiyada iyo Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka waqtiga kasii dhacayo ayaa Mr.Farmaajo iyo Agaasimihiisa sirdoonka, Fahad Yaasiin, ku booriyey in ay ka waantoobaan isku dayga ay ku doonayaan iney ku afduubtaan Doorashada, iyagoo lagu Eedeeyay iney dhisteen Guddiyada Doorashada oo Shaqaalaha Madaxtooyada iyo NISA ka tirsan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha haddana kamid ah Golaha Shacabka, ayaa ka jawaabay hadalkii Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ee ahaa in Farmaajo uu ku adkaan doono wareega koowaad coddeynta 2020-21.

“Dadkan oo dhan Farmaajo iyo beentiisa markii la yiri waa la iska qabanaa in ay sacbiyaan ayay diyaar u yihiin. Ninka shaqaa laga qabtay ‘Farmaajo ii geeya waa laga keenay’, biyo raacis kaliya ayaa u dhiman. Nimanka ayaan dhaweyd ayay nagu cayaar barteen meel la yiraahdo Baydhabana waa nagu soo kala direen Dhuusamareebna annagoo caga-cad ayay nasoo direen meeshii Jowhar ruuxadeeda Ugaas Xasanoo hal sano na hortaagnaa juuqdiisa lama maqal. Nimanka bahasha saas in ay u fududahay ayay moodaan,” ayuu Odowaa yiri.

Sanator Cabdi Axmed Dhuxulow [Dhegdheer] oo isla madashaas ka garamay ayaa ku waaniyey Farmaajo in uu ilaaliyo sharciyadda doorashadda isla markaana uu waddanka u horseedi karin qalalaase sidda Itoobiya hadda wajaheyso.

73540cookie-checkXildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ku Gacan Seyray Guddiyada Doorashada