Shaqsiyaad Ku Qasbay in Ganacsatada Suuqa Degmada in La Xiro & Sababta..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisado saakay ka taagan Suuqa ugu weyn Degmada Afgooye, iyadoo Ilo wareedyo ay sheegeen inuu xiran yahay inta badan meheradaha kala duwan ee Suuqaasi, kadib markii Shaqsiyaad sheeganayaa iney tihiin Mulkiilayaasha Dhulka Suuqaasi ay ku qasbeen in xiro…

Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqii ganacsi ee Suuqaasi u xirmay kadib markii Shaqsiyaad sheeganaaya dhulka uu suuqa ku fadhiyo iney iska leeyihiin, Talaabadaan ayaa dhalisay xiisad sababna u noqday in saakay xirmo.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa Afgooye ayaa sheegay iney u yimaadeen Shaqsiyaadkaan oo wata warqado oo aysan aqoon, waxa ayna baaq u direen Maamulka Degmada, kan Gobolka iyo Koonfur Galbeed iney soo fara galiyaan xiisada taagan.

Ciidamo hubeysan ayaana wararku sheegayaan in lagu arkayo Suuqa Afgooye, ganacsatada Suuqa ayaana lasoo daristay xaalad cabsi iyo jahwareer isugu jirta.

264800cookie-checkShaqsiyaad Ku Qasbay in Ganacsatada Suuqa Degmada in La Xiro & Sababta..